WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Doorashada Aqalka Sare oo Maanta ka dhaceysa Magaalada Kismaayo

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ka dhaceysa Doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee laga soo doorto Jubbaland.

Illaa 9 Musharax ayaa ku tartameysa kuraasta 4 kamid ah Aqalka Sare ee Baarlamaanka, kuwaasi oo shalay ay diiwaan-geliyeen Guddiga hirgelinta doorashooyinka Jubbaland, isla markaana la siiyay shahaadada Musharaxnimada.

Doorashada Aqlka Sare ee Kismaayo ka dhaceysa ayaa waxaa goobjoog ka noqon doona Guddiga doorashooyinka heer Federaal, kuwa xalinta khilaafaadka, kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

RIIX HALKAAAN SI AAD U DAAWATO

Ammaanka goobta ayaa goorsii horeysay oo shalay aheyd la wareegay Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM iyo kuwa Maamulka Jubbaland, waxaana gebi ahaan la xiray waddooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta.

SOMALI NEWS

To Top