WARARKA SOOMAALI

Ciidamo loo diyaariyay la-dagaalanka Maleeshiyaad oo loo dirayo Dal ku yaal…

Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa waxa uu ansixiyey in 1,495 Askari loo diro Mozambique, si ay taageero uga haystaan Dagaalka lagula jiro Maleeshiyada ka dagaalanta Waqooyiga dalkaasi.

Hadal-qoraal oo uu Barlamaanka Koonfur Afrika maanta soo saaray ayaa lagu xusay inuu Madaxweyne Cyril Ramaphosa ku soo wargeliyey inuu oggolaaday daad-gureynta ciiddankaasi, si ay Ciiddanka Mozambique uga taageeraan falalka ay Maleeshiyaadla ka wadaan qeybo ka mid ah dalkaasi.

Horey, dowladda Rwanda waxay sheegtay inay ciiddamo u dirtay Mozambique, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Ciiddamada Gobalka ee horey loo sheegay inay loo daabuli doono dalkaasi.

Dowladda Mozambique waxay tahli la’dahay inay u itaal sheegtaan Maleeshiyaadka taabacsan Kooxda Daacish oo ku xoogan Waqooyiga dalkaasi.

SOMALI NEWS

To Top