WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Qarax khasaaro geystay oo ka dhacay Muqdisho

Qarax xoogan ayaa saakay waxaa uu ka dhacay wadada Cabdiqaasim gaar ahaan agagaarka Xaruntii hore ee Safaaradda Turkiga ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo jugtiisa laga maqlay degmooyin ka tirsan Gobolka.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu ahaa miino nooca dhulka lagu aaso ah oo mar qura qarxday, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in qaraxaas lala eegtay gaari Tikniko ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaas lala eegtay Ciidamada dowladda, waxaana goobta si deg deg ah u gaaray Ciidanka Booliska oo xiray aaga oo dhan, dadkuna u diidaya inay marayaan.

Warar hordhac ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhinteen laba Askari, halka Askar kalena oo saarnaa gaariga ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo loo qaaday Xarun Caafimaad oo ku taalla Muqdisho.

Laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli ka hadlin qaraxa ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo Milateri ah.

SOMALI NEWS

To Top