WARARKA SOOMAALI

Somaliland oo gacanta ku dhigtay hub farabadan iyo Taliska Booliska oo…

Ciidanka Booliska Somaliland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgal ballaaran ka sameeyay degmooyin ka tirsan Gobolka Sool ee Somaliland, iyagoona kusoo qabtay hub farabadan.

Ciidamada ayaa intii ay wadeen howlgalka kusoo qabtay hub ay kamid yihiin Bastooladi iyo Tooreeyo farabadan oo loo adeegsan jiray in dadka dhac loogu geysto, waxaana Maanta hubkaas lagu soo bandhigay Saldhiga Booliska.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Sool Axmed Cabdullaahi Cabdi oo la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska ay soo qabteen hub sharci darro ah oo xiliyada qaarkood dhibaato loogu geysan jiray shacabka.

Waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalka loo sameeyay uu ahaa mid amniga Magaalooyinka Gobolka lagu xaqiijiyay, isla markaana ay doonayan in laga hortego wax kasta oo falal amni darro oo dhaca.

Gaba-gabadii Taliye Axmed Cabdullaahi Cabdi ayaa tilmaamay in howlgalka uu sii socon doono, isagoona shacabka Gobolka Sool kunool ka dalbaday inay gacan siiyaan Ciidanka Booliska Somaliland, si looga wadashaqeyo nabadgalyada..

SOMALI NEWS

To Top