WARARKA SOOMAALI

Dagaal lagu qabtay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacay K/Galbeed

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaal u dhexeeyey ciidamada Koonfur Galbeed, kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Qansaxdheere ee gobolka Baay.

Maxamed Mukhtaar Cabdi oo ah guddoomiye ku xigeenka amniga maamulka degmada Qansaxdheere oo la hadlay wariyeyaasha ayaa sheegay in ciidamada darawaaiishta Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ay ka war-hayeen weerarka, kana hortageen.

Sidoo kale wuxuu shaaca qaaday in dagaalka ay la galeen Al-Shabaab ay uga dileen ugu yaraan 9 dagaalame, kuna dhaawaceen 12 kale, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiye ku xigeenka amniga degmada Qansaxdheere oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay nolosha ku qabteen xubno kale, islamarkaana ay soo bandhigi doonaan.

Ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalkaasi jabka xoogan lagu gaarsiiyey.

Gobollada Baay iyo Bakool ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo u dhexeeya Al-Shabaab iyo ciidamada huwanta ee ka howl-gallada labadaasi gobol.

SOMALI NEWS

To Top