WARARKA SOOMAALI

Ansixinta urur ay dowladda Somalia ku biiri laheyd oo dib loo dhigay

Madaxda Ururka dalalka Bulshada Bariga Afrika ayaa maalintii shalay aheyd shirkii 21-aad ee Caalamiga ku yeeshay qadka internet-ka ee aalada fogaan araga ee loo yaqaano ZOOM-ka, iyagoona uga hadlay xaaladda Bariga Afrika.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa looga hadlay Codsi dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay ururka EAC oo ahaa ku biirista Madaxda Ururka dalalka Bulshada Bariga Afrika oo ay Soomaaliya dooneyso inay kamid noqoto ururkaas.

Bayaan kasoo baxay Shirka Madaxda dalalka Bariga ayaa waxaa lagu sheegay in Codsiga Soomaaliya ee ku biirista ururka aan weli la aqbalin, isla markaana dowladda Federaalka looga baahan yahay inay sugto waqti dheeraad, ayna wada-hadal la wadaagto dalalka xubinta ka ah Ururka.

Ururka Bulshada Bariga Afrika ayaa dib u dhigay aqbalaada Codsiga ay soo gudbisay dowladda Federaalka, waxaana ururkaas shalay xubin ka noqotay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo oo la ansixin doono shirka 22-aad.

“Shir madaxeedka ayaa lagu xusay in howsha xaqiijinta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay qeyb ka noqotoBulshada Bariga Afrika aan la qaadin, waxaana lagu faray Golaha in ay dabagal ku sameeyaan howshaas,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Ururka EAC.

Madaxda Ururka ayaa Madaxweynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta u doortay Guddoomiyaha cusub ee Bulshadda Bariga Afrika, waxaana Kenyatta uu xilka kala wareegay dhigiisa Madaxweynaha dalka Ruwanda Paul Kagame.

SOMALI NEWS

To Top