WARARKA SOOMAALI

Puntland oo walaac ka muujisay soo laba kacleynta Cudurka COVID-19

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Puntland ayaa faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu danbeeyay ee Cudurka halista ah ee COVID-19 oo kusoo laba kacleeyay gudaha dalka Soomaaliya, lana diiwaan-geliyay kiisas badan.

Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa waxaa ay ku sheegtay in todobaadkii lasoo dhaafay 20-25 bishan Febraayo 2021 laga baaray Cudurka COVID-19 572 ruux , isla markaana 82 kamid ah dadkaas laga helay Cudurka.

Dadkaas laga helay Cudurka ayaa 57 kamid ah waxaa ay ku sugan yihiin Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyagoona la geliyay xaalad karantiil ah, waxaana sidoo kalena ay sheegeen Puntland inuu jiro sare kac uu sameeynayo Cudurka.

 “Wasaaradda Caafimaadka dowlad Puntland waxay walaac ka muujinaysaa in markale sida aduunka uu usoo laba kacleeyay si gaar ahna soomaliya uu usoo laba kaclayn karo Puntland” ayaa lagu yiri Warbixinta lasoo saaray.

Wasaaradda ayaa shacabka kunool deegaanada Maamulka Puntland ugu baaqday inay feejignaantoodi soo celiyaan ayna isticmaalaan waxyaabaha la iskaga ilaalinayo xanuunka, isla markaana cid kasta oo iskaga shakisa Cudurka inay tegto Xarumaha baaritaanka Cudurka.

SOMALI NEWS

To Top