WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Qarax Goor dhow Muqdisho lagula eegtay Guddoomiye Degmo

Qarax xoogan ayaa goordhow laga maqlay xaafaddo ka tirsan degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho, waxaana laga helayaa faah faahin.

Qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka aaso ah ee laga hago meela fog-fog ayaa waxaa lala eegtay Gaari uu la socday Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Cabdullaahi Cariif, xili uu marayay deegaanka Daarusalaam.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in qaraxaas uu ka badbaaday Guddoomiye Axmed Cabdullaahi oo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay fureen Ciidanka Booliska dowladda ee halkaas joogay.

Lama oga khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Magaalada Muqdisho, waxaana goobta uu ka dhacay ku sugan Ciidamo badan oo ka tirsan Booliska oo halkaas tegay, isla markaana xiray.

Qaraxaas dhacay ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa, iyadoo saakay qarax miino uu ka dhacay wadada Cabdiqaasim ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir, kaasi oo lala eegtay gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka.

SOMALI NEWS

To Top