WARARKA SOOMAALI

Rooble iyo Beesha Caalamka oo kulan la yeeshay khilaafka Doorashada

Sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qadka Internet-ka gaar ahaan aalada fogaan aragga ee ZOOM-ka kulan gaar ah kula yeeshay Wakiilada Beesha Caalamka.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha Caalamka ayaa waxaa looga hadlay sii wadista wada xaajoodyada dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada ee la xiriira hirgalinta heshiiskii 17-kii September 2020.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii dhawaan Guddiyada Farsamada ku gaareen Magaalada Baydhabo, isla markaana Madaxda isugu imaan lahaayeen shir lagu saxiixayo heshiiska.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska sii-hayaha xilka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu sheegay in Shirka uu la qaatay Beesha Caalamka lagu boggaadiyay isfahamkii ka soo baxay shirkii Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Musharixiinta ee 25-kii Febraayo.

Beesha Caalamka ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii xal buuxa looga gaari lahaa khilaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka Soomaaliya ka dhacaya, iyagoona Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku cadaadinaya inay xal gaaran.

Jubbaland iyo Puntland ayaa shuruudo dhowr ah ku xiray ka qeyb galka shirka lagu dhameystirayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya, iyagoona dalbaday in shirka uu ku baaqay Farmaajo goobjoog ka noqdaan Beesha Caalamka iyo Musharaxiinta.

SOMALI NEWS

To Top