WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dharcad lagu dilay Suuq ku yaalla Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askar ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa nabadsugida dowladda ee dharcadka oo duhurnimadii Maanta lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in rag ku hubeysnaa Bastoolado ay dileen laba Askari oo ka tirsan Ciidanka dowladda, mid kalena dhaawac u geystay, xili ay ku sugnaayeen meel ku dhow Busteejo laga raaco gaadiidka oo ku taalla Suuqa Bakaaraha.

Ragii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, isla markaana waxaa durbo halkaas tegay Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda oo ku sugnaa meel aan sidaas uga fogeyn halka uu falka ka dhacay.

Wararka ayaa intaas waxaa ay kusii darayan in Ciidamada Booliska ay sameeyeen howlgal baaritaano ah oo lagu baadi goobayay ragii fuliyay dilka loo geystay Askarta ka tirsaneyd dharcadka, kuwaasi oo lagu kala magacaabi jiray Cali Axmed Xasan iyo Ismaaciil Siyaad.

Maagaalada Muqdisho ayaa waxaa horey uga dhacay dilal kala duwan oo loo geystay Askar kamid aheyd Ciidanka dowladda Federaalka, waxaanta inta badan falalkaas dilalka sheegtay Al-shabaab.

SOMALI NEWS

To Top