WARARKA SOOMAALI

Dowladda Somalia oo War kulul kasoo saartay Weerar culus oo la fashiliyay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareysay weerar kooxda Xuutiyiinta Yemen ku qaaday Magaalada Riyaadh ee Caasimadda dalka Sacuudiga iyo magaalooyin kale oo ka tirsan dalkaas.

Hadal-qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda ayaa waxaa lagu sheegay in dowladda ay ka xun tahay weerarkii gantaalo ee Xuutiyiinta ku qaadeen Caasimadda Sacuudiga iyo dhowr diyaarado aan duuliye lahayn oo miinaysan oo ay ku jihaysay magaalooyinka Jaazaan iyo Khamiis mushaat.

Wasaaradda ayaa sheegtay in dowladda weerarkaas ay u aragto mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani’aadamnimada iyo dambi argagixiso mbi argagixiso oo lagu beegsanayay goobo dad rayid ah ay deganyihiin.

Sidoo kale Xukuumadda Muqdisho ayaa caddeeysay in ay si dhammaystiran u garab taagantahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayna ku taageersantahay dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso difaaca ciiddeeda, kuna sugayso amnigeeda.

“Soomaaliya waxa ay u aragtaa weerarkaasi mid xadgudub ku ah sharciga caalamiga iyo kan bani’aadamnimada iyo dambi argagixiso oo lagu beegsanayay goobo dad rayid ah ay deganyihiin  iyo carqalad ka dhan ah dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu doonayo in lagu gaaro xal siyaasadeed oo dhammaystiran oo lagu soo afjaro colaadda Yemen, waxayna caddaynaysaa in ay si dhammaystiran u garab taagantahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, ayna ku taageersantahay dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso difaaca ciiddeeda, kuna sugayso amnigeeda ,bedqabka muwaadiniinteeda iyo dadka degganba, iyadoo ka hortagaysa col kasta oo dhagar huwan” ayaa lagu yiri Qoraalka.

Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay inay ka hortegtay weerar qorsheysan oo lala damacsanaa in lagu qaado Magaalada Riyaadh ee Caasimadda dalka Sacuudiga, isla markaana la fashiliyay.

SOMALI NEWS

To Top