WARARKA SOOMAALI

Ciidamo hubeysan oo howlgal ka fuliyay Caasimadda Maamulka…

Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Galmudug ayaa habeenkii xalay aheyd howlgal ballaaran ka sameeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, waxaana laga helayaa faah faahino.

Ciidamo isugu jiray Boolis iyo Nabadsugid ayaa si wadajir ah howlgalka uga fuliyay xaafaddo dhowr ah oo ka tirsan Dhuusamareeb, isla markaana baaritaano kala duwan ku sameeynayay gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay waddooyinka.

Inta uu howlgalka socday ayaa Ciidamada waxaa ay su’aalo la xiriira dhinaca amniga ku weydiinayeen dhalinyaro fadhisay goobo xiliyada habeenkii ah ay ku caweyan dhalinta degan halkaas, kalana hadlay sugida amniga.

Taliyaha Saldhiga Booliska ee Dhuusamareeb G/le Maxamed Mire Maxamuud oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid lagu doonayay in lagu xaqiijiyo amniga Caasimadda Maamulka.

Taliye Maxamed Mire ayaa shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyan laamaha amniga Magaalada, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda, loogana baahan yahay inay qeyb ka qaatan howlaha nabadgalyada.

SOMALI NEWS

To Top