WARARKA SOOMAALI

RW Rooble oo markale kulan isugu yeeray Midowga Musharaxiinta

Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo isniin ah in uu Magaalada Muqdisho kulan kula qaato markale Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha.

Kulanka ayaa daba socda kulankii dhawaan uu la qaatay ee heshiiska ay ku wada gareen, Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya Midowga Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug & Hir-Shabeelle, kaas oo lagu dejinayay xaalada Magalada Muqdisho.

Wararka la helay ayaa sheegaya in kulanka looga hadli doono kaalinta ay Midowga Musharixiinta ku yeelan  doonaan wada-hadallada al xiriira arrimaha doorashooyinka ee ku saabsan dhameystirka & dhaqangelinta heshiiskii 17-kii September.

Kulankii ay dhawaan Muqdisho ku yeesheen Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble & Midowga Musharixiinta ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay Beesha Caalamka iyo inta badan Shacabka Soomaaliyeed.

Beesha Caalamka oo dhowr jeer kulan la qaadatay  Ra’iisul Wasaaraha xilka siihaya ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ay ka dalbadeen in uu qaato doorkiisa ku aadan wada-hadallada mucaaradka iyo hirgelinta doorashooyinka.

SOMALI NEWS

To Top