WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Muwaadin Soomaali ah oo toogasho lagu dilay

Koox hubeysan oo burcad Koonfur Afrikaan ah ayaa habeenkii xalay aheyd waxaa ay Muwaadin Soomaaliyeed ku dileen Magaalada Cape-Town ee dalkaas, waxaana falkaas laga helayaa warar dheeraad ah.

Dilka loo geystay Muwaadinka Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Maxamed Cabdullaahi oo loo yaqaanay (Big show) ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Khayelitsha ee Cape-Town ee Koonfur Afrika.

Muwaadiniin kale oo Soomaali ah, isla markaana goobo Ganacsi ku lahaa aaga uu falku ka dhacay ayaa teagy gooba, iyagoona qaaday Meydka Marxuum Maxamed Cabdullaahi, waxaana halkaas durbo ka baxsaday raggii ka dambeeyay dilka.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ee Koonfur Afrika ayaa gaaray goobta uu falkaasi ka dhacay, iyagoona sida caadada u aheyd sameeyay baaritaano kooban oo wax natiijo ah  kasoo bixin, kadibna halkaas isaga tegay.

Dilalka Muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu geysto dalka Koonfur Afrika ayaa ka dhaca tuulooyinka iyo xaafadaha isku raranka ah ee Magaalada Cape-Town, iyadoona aysan jirin weli cid iska xil-saartay sidii falalkaas soo laab laabtay wax looga qaban lahaa.

SOMALI NEWS

To Top