WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Golaha Ammaanka oo War Cusub kasoo saaray Xaaladda ka taagan Somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa mar kale war ka soo saaray muranka ka aloosan siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Golaha Ammaanka ayaa walaac xooggan ka muujiyay xaaladda cakiran ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, taas oo ka dhalatay hirgelin la’aanta doorashooyinka oo ay isku hayaan Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maaamul Goboleedyada.

Golaha ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada kala duwan ee siyaasadda inay diidaan wax walba oo rabshado iyo iska horimaad keeni kara islamarkana wadaxaajoodyada sida ugu dhaqsiyaha badan dib loo soo cusbooneyso iyada oo aan wax shuruud ah lagu xirin.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Warbixinta

SOMALI NEWS

To Top