WARARKA SOOMAALI

Maxkamadeynta rag loo heysto Dilkii Guddoomiyihii Hodan oo bilaabatay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maanta oo sabti ah taariikhduna ku beegan tahay 24-ka April bilowday dhageysiga Kiiska rag loo heysto dilkii loo geystay Guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaga-juun.

Maxkamadda Ciidamada ayaa la horgeeyay in ka badan 4 ruux oo ka tirsan Ciidanka Booliska dowladda oo loo heysto inay si ula kac ah u dileen Guddoomiye Cabdixakiin Dhaga-juun 21-kii bishii Janaayo ee sanadkaan 2021.

Fadhiga Maxkamadda ayaa goobjoog ka ah Saraakiil ka tirsan Ciidamada Milateriga dowladda Federaalka, Ehelada Marxuumka iyo dad kale, kuwaasi oo dhageysiga bilowga Maxkamadeynta rag loo heysto dilka Guddoomiyihii degmada Hodan.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Jeneraal Cabdullaahi Buulle Kameey ayaa horey u sheegay in dilkii loo geystay Allaha u naxariistee Cabdixakiin Dhaga-juun uu ahaa mid dhacay si kula kac ah, ayna ku ogaadeen barista la sameeyay.

Si kastaba Allaha u naxariistee Guddoomiyihii hore ee degmada Hodan ee Gobolka Banaadir Cabdixakiin Dhaga-juun ayaa 21-kii Janaayo lagu dilay, xili habeen ah Is-rasaaseyn ka dhacday meel ku dhow Isgoyska Howlwadaag ee Gobolka.

SOMALI NEWS

To Top