WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Dagaal dib uga Qarxay Garba-ciise

Wararka aan ka heleyno agagaarka magaalada Garba-ciise iyo aagga tuulada Gawracan ee gobolka Siti ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas barqanimadii Maanta uu dib uga qarxay dagaal xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkan u dhexeeya Soomaalida iyo Canfarta ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka socday halkaas inkasta oo shaley xaaladda ay degeneyd, hayeeshee saakay ayuu dagaalka dib uga qarxay halkaas

Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bishii lasoo dhaafay ku eedeysay ciidamada Canfarta in dad rayid ah ay ku laayeen Garba-ciise.

Maamulka Soomaalida ayaa waxaa uu sheegay in uu difaaci doono shacabka degan Garba Ciise iyo deegaanada ku hareereysan, xili ay xusid mudan tahay in boqolaal qof ay ka barakaceen dagaalada maalmihii lasoo dhaafay dhacayay.

HALKAAN KA DAAWO WARARKII UGU DAMBEEYAY

SOMALI NEWS

To Top