WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Madaxweyne Guudlaawe oo ku laabtay Jowhar kuna dhawaaqay…

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Garoonka diyaaradaha Jowhar ayaa waxaa Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayay kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Hirshabeelle, Saraakiil Ciidanka iyo dadweyne farabadan.

Madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore ka mahadceliyay soo dhaweynta ballaaran ee loo sameeyay, wuxuuna sidoo kale sheegay todobaadka soo socdo hirshabeelle ay ka bilaaban doonto doorashada Aqalka Sare.

Cali Guudlaawe ayaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho uga qeyb galay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo saaray habraaca doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, kaasi oo diidmo xoogan hareeynayaan.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Sidoo kale inta uu joogay Muqdisho ayuu Madaxweynaha Hirshabeelle kulamo kala duwan la qaatay Qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka, siyaasiyiin iyo Musharaxiinta, isagoo kala hadlay xaaladda deegaanada Maamulkiisa iyo doorashada dhaceysa.

SOMALI NEWS

To Top