WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Duqeyn Mareykanka ka fuliyey Magaalo oo lagu dilay Dad shacab ah

6 qof oo 4 ka mid aysan weli qaan-gaarin ayaa lagu dilay Duqeyn Diyaaradeed oo ay Maraykanka Maanta ka fuliyeen Caasimada dalka Afganistan ee Kaabul

Wakaalladda Wararka Afganistan ee Ariana News ayaa sheegtay inay Goobjoogayaal ka soo xigteen in 6 qof lagu dilay Duqeyntaasi, halka 4 kalena lagu dhaawacay.

Goobjoogayaasha waxay kaloo sheegeen in Duqeyntaasi  lagu burburiyey 2 gaari iyo qeyb ka mid ah Dhismo la degan yahay.

Dhinaca kale, Afhayeenka Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka (CENTCOMAND) waxa uu xaqiijiyey inay Duqeyn Diyaaradeed la beegsadeen Gaari miineysan oo ku wajahnaa Garoonka Diyaaradaha ee Hamid Karazai International Airport ee Magaaladda Kabul.

RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO

SOMALI NEWS

To Top