WARARKA SOOMAALI

Faah faahin kasoo baxeysa Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay Sool

Khasaare xooggan ayaa ka dhashay dagaal toos ah oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay tuulada Finley oo u dhexaysa Birta-dheer iyo degmada Boocame ee Gobolka Sool

Dagaalkan ayaa daba socday iska hor-imaad kooban oo ka dhacay miyiga Ballli-cad oo ku dhow Saax-maygaag halkaas oo laba sahan ku dagaallameen isla markaana hal qof ku geeriyooday.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ugu yaraan saddex ruux ku geeriyootay dagaalkii dambe halka in ka badan 10 kalena ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ah dhinacyadii Colaada dhexmartay.

Colaadda labada dhinac oo ku salaysan muran dhuleed ayaa todobaadyadii u dambeeyay ka taagnayd tuulada Saax-maygaag oo horay labada dhinac ugu dagaallameen 28-kii bishii tagtay ee Luuliyo.

Puntland ayaa marar kala duwan go’aanno ka soo saartay colaaddan si loo xakameeyo balse waxba kama hirgelin.

SOMALI NEWS

To Top