WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dad loo qabtay falkii lagu gubay Xarun Caafimaad oo ku taalla…

Xarun hay’adda Bisha Cas ku laheyd Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya ayaa la gubay, waxaana gubay qaar kamid ah shaqaalihii ka shaqeynayay Xarunta Hay’addaas, sida wararka lagu helay.

Guddomiyaha degmada Baardheere Maxamed Wali Yuusuf Qorax oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in laamaha amaanka degmada ay soo xireen 8 qof oo ka dambeeyay falkii Maanta lagu gubay Xarunta Bisha Cas ee Baardheere.

Guddoomiye Maxamed Wali ayaa tilmaamay in sharciga ka horgeyn doono dadka loo qabtay falka gubida, isla markaana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan dadkaas oo dhammaantood ah shacab.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Sawirro laga soo qaaday Xarunta ayaa muujinaya bur-bur xoogan oo gaaray Bakhaarada, dadka deegaanka ayaa isku dayay in ay demiyaan dabka, hayeeshee waxa ay ku guul-dareysteen deminta dabkaasi oo geystay khasaaro hantiyadeed.

SOMALI NEWS

To Top