WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal toos ah oo weli ka socda Hotel ku yaalla Muqdisho

Waxaa weli laga maqlayaa rasaas iyo qaraxyo ka dhacaya gudaha Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho kadib markii ay galeen dabley hubeysan.

Ciidamada ammaanka ayaa soo badbaaday dad badan oo ay ku jiraan saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowlada federalka iyo dowlad goboleedyada kale ee dalka.

Saraakiisha ciidan ee ku jirey gudaha hotelka isla markaana iyagoo bed qaba laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ah Generaal Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah Milkilaha hoteelka.

Ururka Alshabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarka weli ka socda gudaha Hotel Afrik kaas oo sababay dhimasho & dhaawac.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa weli ka kacsan, waxaana hotelka Afrik laga maqlayaa dhawaqa rasaas xoogan oo ay isdhaafsanayan ragii weerarka soo qaaday iyo Ciidanka dowladda Federaalka.

Gebi ahaan waxaa la xiray aaga uu ku yaalla hotelka weerarka lagu qaaday, waxaana halkaas gaaray Ciidamo aad u badan oo isugu jira Boolis ah iyo Milatetiga, iyadoo sidoo kale goobta ku sugan Saxafiyiin aad u badan.

SOMALI NEWS

To Top