WARARKA SOOMAALI

Taliska Booliska oo War kasoo saaray Dagaalka ka socda hotelka Afrik

War kooban oo ka soo baxay Taliska Booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Al-shabaab ay weerar ku soo qaadeen Hotel Afrik oo ku yaala agagaarka KM4, wadada aada garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Duudisho ayaa sheegay in qaraxyada iyo weerarka kadib ay goobta gaareen ciidamada booliska Soomaaliya, islamarkaana waxaa ay gudaha u galeen Hotelka, iyagoona bilaabay inay dadka soo badbaadiyaan.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in weli howlgalka uu socda.

“Galabta abaare 17:00, ayeey argagixisadu weerartay Hotel Afrik, oo ku yaala agagaarka KM4, Wadada aada Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde.

Ciidanka Boliiska oo si deg deg ah goobta ku gaaray ayaa gudaha u galay hoteelka si dadka looga badbaadiyo, waxaa laga badbaadiyay inta badan dadkii ku jiray iyaga oo bad qaba, welina howlgalku wuu socdaa”

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Ciidamada  Ammaanka ay soo badbaadiyeen  Saraakiil Ciidan iyo ganasato oo ku sugnaa Hotelka weerarka lagu soo qaaday.

Wararka  ayaa sheegaya in saraakiisha Ciidan ee laga soo badbaadiyay goobta ay ka mid yihiin Generaal Indhacade, Labo Afle iyo Xuseen Goley oo ah Milkilaha hoteelka.

SOMALI NEWS

To Top