WARARKA SOOMAALI

Beesha Caalamka oo Goordhow War kasoo saartay Shirka uu ku baaqay Farmaajo

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweysay Shirkii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhici doona Magaalada Dhuusamareeb.

Qoraal kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay Shirka uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo oo looga hadli doono xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan Arrimaha doorashooyinka oo muran iyo khilaaf ka jiro.

Beesha Caalamka ayaa ugu baaqday ka-qeybgalayaasha Shirka inay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehantahay uga qaybqaataan madashaas, si xal loo helo iyadoo loo marayo isu tanaasul cadaalad ku dhisan oo loo sameeyo danta qaranka.

Shirka ayaa la filayaa in Maalinta berri uu si rasmi ah uga furmo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug, isla markaana waxaa halkaas ku wajahan Madaxweyne Farmaajo iyo dhammaan Madaxda maamul Goboleedyada.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Beesha Caalamka.

Saaxiibada beesha caalamka waxay soo dhaweynayaan ku-dhawaaqista 30kii Janaayo uu Madaxweynaha Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed ku dhawaaqay in uu shir wadatashi ah la yeelan doono madaxda Dowlad Goboleedyada, shirkaas oo lagu qaban doono magaalada  Dhusamareeb inta u dhexeysa 1da ilaa 3da Febraayo. Waxaan bogaadinaynaa hogaamintiisa ku aaddan qabashada shirkaan.

Waxaan ugu baaqeynaa ka-qeybgalayaasha inay si firfircoon oo daacadnimo ku dheehantahay uga qaybqaataan madashaas, si xal loo helo iyadoo loo marayo isu tanaasul cadaalad ku dhisan oo loo sameeyo danta qaranka, laguna heshiiyo hirgelimta hanaankii 17kii Sebtembar ee dardargelinta qabashada doorashooyin ka dhaca Soomaaliya oo dhan.

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Ururka Jaamacadda Carabta, Holand, Ururka Iskaashiga Dalalka Islaamka (OIC), Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

SOMALI NEWS

To Top