WARARKA SOOMAALI

Gen. siweyn looga yaqaanay Muqdisho oo ku dhintay weerarkii Hotel Afrik

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee sida gaarka u tababaran ee Haramcad ayaa saqdii dhexe ee xalay soo afjaray weerar dhowr saacadood oo xiriir ah ka socday gudaha Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Weerarka ayaa gelinkii dambe ee shalay ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay Albaaabka dambe ee Hotelka Afrik, waxaana kadib gudaha u galay rag hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab oo ka dagaalamayay halkaas.

Ciidanka Booliska dowladda ayaa dhowr mar isku dayay xili horey inay soo afjaraan, waxaana gudaha hotelka uu dagaal xoogan ku dhexmaray ragii hubeysnaa ee weerarka soo qaaday iyo Ciidanka dowladda, wallow markii dambe dhammaan ragga la dilay.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarka oo soo gaaray dad shacab ah iyo Saraakiil Ciidan oo xiligii uu weerarka bilaabanayay ku sugnaa Afrik, iyadoon badan oo laga soo badbaadiyay halkaas.

Dadka weerarka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Jeneraal Maxamed Nuur oo loo yaqaanay Galaal oo ku sugnaa hotelka, waxaana geeridiisa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka.

Allaha u naxariistee Jeneraal Maxamed Galaal ayaa kamid ah Saraakiishii hore ee Ciidanka Xoogga dalka oo ka qeyb qaatay dagaalkii 1977-kii ee dowladii Soomaaliya la gashay Itoobiya, isagoo kamid ahaa Saraakiisha ugu da’da weyn ee Ciidanka xoogga dalka.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarii lagu qaaday hotel Afrik oo ku yaalla meel ku dhow Isgoyska KM-4 dhinaca wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana weerarka uu socday saacado xiriir ah.

SOMALI NEWS

To Top