WARARKA SOOMAALI

Dowladda oo shaacisay khasaaraha weerarkii lagu qaaday Hotelka Afrik

Taliska Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ayaa faah faahin ka bixiyay khasaaraha ka dhashay weerarkii Al-shabaab gelinkii dambe ee shalay ku qaadeen Hotelka Afrik ee ku yaalla meel ku dhow Isgoyska KM-4 dhinaca Jidka aada Garoonka Aadan Cadde.

Afhayeenka Booliska Sadiiq Aadan Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa u sheegay in weerarka uu ku bilowday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kadibna ay gudaha u galeen rag hubeysan oo dagaal la galay Ciidanka Booliska Haramcad.

Waxaa uu sheegay Sadiiq Doodishe in Ciidanka Booliska ay dileen saddex ruux oo gudaha hotelka saacado dhowr ah ka dagaalamayay, isla markaana sidaas lagu afkaray weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen hotelka oo ah mid lagu qabto Shirar waaweyn.

Sidoo kale Afhayeenka Ciidanka Booliska ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 9 qof ay ku dhinteen weerarka oo afar kamid ah ay ahaayeen ragii hubeysnaa, halka in ka badan 10 qof kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen.

Dhaawacyada ayaa la geeyay Xarumo Caafimaad oo ku yaalla Magaalada Muqdisho oo xilligaan lagu dabiibayo xaaladooda Caafimaad, waxaana inta uu weerarka socday la soo badbaadiyay dad badan oo isugu jira Saraakiil Ciidan iyo dad shacab ah.

Dadka weerarka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Jeneraal Maxamed Nuur oo loo yaqaanay Galaal oo ku sugnaa hotelka iyo Saraakiil kale, waxaana geeridooda ka tacsiyeeyay dowladda Federaalka.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarii lagu qaaday hotel Afrik oo ku yaalla meel ku dhow Isgoyska KM-4 dhinaca wadada aada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, waxaana weerarka uu socday saacado xiriir ah.

SOMALI NEWS

To Top