WARARKA SOOMAALI

DEG DEG:-Qarax is-miidaamin ah oo Goordhow ka dhacay Muqdisho

Qarax xoog leh ayaa goordhow laga maqlay Magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka isgoyska Lambar 4.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in qaraxan uu ahaa mid ka dhacay agagaaarka bar koontarool oo ah wadada aada garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Qaraxan ayaa ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaalaha qarxa lagu soo xirey oo lagu dhuftay albaabka hore ee Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa kadib ayaa dabley hubeysan ay gudaha u galeen hotelka iyadoo rasaas badan ay ka dhacayaan gudaha hotelka.

Iska horimaad hubeysan ayaa la sheegay inuu ka dhex socdo gudaha hotelka. Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa lasoo warinaya in uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

SOMALI NEWS

To Top