WARARKA SOOMAALI

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan xasaasi ah la yeeshay James Swan

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya mudane James Swan iyo Madax ka socotey Hay’adaha Qaramada Midoobey sida UNHCR, WFP, FAO iyo WHO.

Ugu horreyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa Ergayga qaramada midoobey uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Kismaayo iyo dadaalka ay saaxiibada beesha caalamku ugu jiraan sidii xal rasmi ah loogu heli lahaa caqabadaha ku gadaaman sidii doorasho nabdoon wadar ogolna ah dalka uga dhici laheyd.

“Jubbaland waxay diyaar u tahay wado kasta oo lagu wada hadli karo xal waarana looga gaari karo is fahanwaaga siyaasadeed ee kajira dalka Madaxda qarankuna hormuudka u yihiin, Arrimaha la isku hayo oo ay ugu horreyso arrinta Gobolka Gedo waxay u baahantahay in si waafaqsan dastuurka iyo heshiisyadii Doorasho ee aan horey u soo galney loo xalliyo si ay u qabsoonto Doorasho loo simanyahay laguna wada qanacsanyahay. Waxaana uga mahadcelinayaa Beesha caalamka doorkooda muuqda ee ay arrintan kaga jiraan iyo ka go’naanshaha in Doorasho dalka ka dhacdo’’ ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

Dhinaca kale Ergayga Qaramada Midoobey James Swan ayaa Madaxweynaha uga Mahadceliyey soo dhaweynta iyo qaabilaada heerkeedu sarreeyo ee ay kala kulmeen Jubbaland asaga iyo wafdigiisa ku wehelinaya booqashada ay maanta ku yimaadeen magaalada Kismaayo ee xarunta kmg ah ee Jubbaland.

“Waxaan bogaadinayaa markale tallaabadii wax ku oolka ahayd ee albaabka u furtey xaaladii cakirneyd ee dalku ku jirey ee ay qaadeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland taas oo ay 28dii bishan kusoo magacaabeen gudiyadii doorashada ee heer Dowlad goboleed iyo baaqoodii ahaa in ay Madaxda DFS iyo Dowlad goboleedyadu shir isugu imaadaan taas oo dhashey in Madaxweynaha JFS uu shaley shir isugu yeero Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo aan ka fileyno inay kasoo bixi doonaan qodobo ka turjumaya sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhanyahay iyo isu tanaasul madaxda dhexdooda ah dalkana loogu turayo”.

SOMALI NEWS

To Top