WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dad isku Qoys ahaa oo hal goob lagu laayay

Wararka aan ka heleyno degaanka qabalaha garasle oo hoostaga degmada Shilaabo ee dawlad deeganka Soomaalida ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay hal goob ku toogteen dad isku qoys ahaa oo ku sugnaa Gurigooda.

Maleeshiyaadka hubeysan ayaa rasaas ku furay dadkaas, waxaana halkaasi ku geeriyooday Hooyo, laba Carruur ah oo ay dhashay iyo Adeerkood, waxaana dhacdadaasi lala xiriirinayaa aanooyin qabiil oo bilihii la soo dhaafay ka taagneyd degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.

Warraka la helayo ayaa sheegaya in Maydadka afarta ruux la keenay degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud oo degaan ahaan ay kasoo jeedaan, iyada oo la filayo in Maanta Gelinka hore  la Aaso meydadka dadkaas.

Sidoo kale dadka degaanka Qabalaha ee falka uu ka dhacaya ayaa sheegaya in la la’yahay Cunug yar oo kamid ahaa Carruurta Qoyska, kaas oo ku sugnaa Goobta uu weerarka ka dhacay.

SOMALI NEWS

To Top