WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Barakac xoogan oo ka socda xaafaddo ka tirsan Muqdisho

Magaalada Muqdisho xaafadaha qaar waxaa ka billowday barakac, kaddib markii ay soo badatay cabsida laga qabo in mar kale isku dhacyo ka dillaacaan magaalada Muqdisho maadaama ciidamada labada dhinaca dhaq-dhaqaaqooda la dareemayo.

Muuqallo iyo sawirro laga soo qaaday jidadka Muqdisho ayaa muujinaya boqolaal dad ah oo u qaxaya bannaanka magaalada, iyadoo dadka qaarkood ay sheegeen inay aad uga xunyihiin inay ka barakacaan guryahooda.

Ma jiro isku dhac ka dambeeyay midkii ka dhacay maalintii Axadda aheyd, hase yeeshee dadka rayidka ah ayaa dareemaya culeys weyn oo ku qasbaya inay guryahooda ka baxaan.

Halkaan riix si aad u Daawato Muuqaalka barakaca.

SOMALI NEWS

To Top