WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Mareykanka oo War kasoo saaray dagaaladii ka dhacay Muqdisho

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa dowladda Federaalka iyo Mucaaradkaba ugu baaqay inay is xakameeyaan oo ay si nabad ah ku xalliyaan khilaaf ka dhashay muddo korarsiga haydaha dowladda federaalka iyo wax kasta oo u baahan xal.

Dhanka kale war-saxaadeedka ayey Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka ku xustay inay diyaar u yihiin inay tixgaliyaan dhammaan aaladaha la heli karo, oo ay ku jiraan cunaqabateynta iyo xaddi-daadda fiisaha, si looga jawaabo dadaallada lagu wiiqayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Warbixinta

SOMALI NEWS

To Top