WARARKA SOOMAALI

Ciidamadii Saadaq Joon iyo Indhacadde oo aag cusub u guuray & Haramcad oo…

Ciidamo daacad u ah Jeneraal Saadaq Joon, Yuusuf Indhacadde iyo Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo horey ugu sugnaa agagaarka Isgooska KM-4 gaar ahaan ex Madaxtooyadii hore Cabdiqaasim ayaa xalay aagaasi isaga guuray.

Sida aan wararka ciidamadan kasoo horjeeda dowladda ayaa degay aag cusubna ka sameestay xaafada Siigaale ee degmada Hodan gaar ahaan xaafadaha ku dhaw dhaw laamiga Maka Al Mukarama.

Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya kuwa Haramcad ayaa iyana saakay lagu arkayaa aagagii ay ka baxeen ciidamada Saadaq Joon iyo Yuusuf Indhacadde, ciidamadan ayaana laamiga iyo goobo kalaba ka qaaday caro tuur lagu xiray iyo dhagxaan.

Xaafada Siigaale iyo xaafadaha ku dhaw dhaw ayaa saakay laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ciidan, waxaana dadkii halkaasi degnaa bilaabeen in ay isaga barakacaan iyaga oo ka cabsi qaba in korkooda lagu dagaalamo.

SOMALI NEWS

To Top