WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Taliyeyaal Boolis oo ku biiray Ciidanka Mucaaradka Farmaajo

Taliyeyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Yaaqshiid iyo Shibis ee Gobolka Banaadir ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku biiray Ciidanka Milateriga dowladda ee kasoo horjeeda muddo kororsiga Madaxweyne Farmaajo.

Taliyihii Booliska degmada Shibis Faarax Cadaani oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay inuu go’aan ku gaaray inuu isaga tegay Ciidanka Booliska oo uu ku biro dhinaca Mucaaradka kasoo horjeeda Farmaajo.

Sidoo kale Taliyaha Booliska Yaaqshiid ayaa isna xalay ku biiray Ciidanka Milateriga, isagoona tilmaamay in uusan ka bixin Ciidanka Booliska, hayeeshee uu u wareegsaday dhinaca Mucaaradka.

Maamulada degmooyinka Yaaqshiid iyo Shibis kama hadlin talaabada ay qaadeen Taliyeyaashoodii Saldhigyada Booliska oo ku biiray Milateriga ku sugan Isgoyska Mirinaayo ee degmada Cabdicaiis ee Gobolka Banaadir.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Taliye Farxaan.

SOMALI NEWS

To Top