WARARKA SOOMAALI

Galmudug iyo Hirshabeelle oo diiday muddo kordhinta Farmaajo

Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa si wadajir ah uga soo horjeestay muddo kordhinta Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ay u sameeyeen Madaxweyne Farmaajo.

War-saxaafadeed kasoo baxay Axmed Qoorqoor iyo Cali Guudlaawe ayaa waxaa lagu caddeeyay in labada maamul ay kasoo horjeedan nuuc kasta oo muddo kordhin ah, isla markaana sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta labada ee la sameeyay.

Sidoo kale maamulada Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa shaaciyay inay isla garteen in dalka laga qabto doorasho Deg-deg ah, isla markaana la fuliyo heshiiskii 17-kii September la gaaray, lana joojiyo wax kasta oo caqabad ku ah heshiiskaas.

Madaxda dowlad Goboleedyada kale ayey u baaqeen inay fuliyaan kaalintooda kaga aadan heshiiskii 17 September, iyagoona Madaxda dowladda Federaalka ka dalbaday inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah heshiiska Sep.

Halkaan ka Akhriso Qoraalka Galmudug iyo Hirshabeelle.

SOMALI NEWS

To Top