WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Dad isku qoys ah oo weerar lagu dilay

Weerar loo adeegsaday rasaas xoogan ayaa fiidnimadii xalay ka dhacay tuulo hoostegta deegaanka Balanballe ee Gobolka Galgaduud, kaasi oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Rag hubeysan oo maleeshiyo beeleed ayaa weerarkaas ku qaaday saddex qof oo ku sugnaa tuulada Garasle ee Galgaduud, waxaana falka kadib goobta ka baxsaday raggii ka dambeeyay, sida ay sheegayaan wararka la helayo.

Inta la xaqiijiyay saddex qof oo mid ay haweeney tahay ayaa ku geeriyooday weerarka, halka qof kalena uu dhaawac soo gaaray, waxaana la sheegay in weerarka uu la xiriiray Arrimo ku saabsan aano qabiil.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top