WARARKA SOOMAALI

Al-shabaab oo weerar khasaaro geystay ka fulisay dalka Kenya


Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in saacadiihii lasoo dhaafay ay weerar qorshaysan ka fuliyeen degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi Bari Dalka Kenya.

Weerarkaan ayaa waxa la sheegay in lagu qaaday guri uu daganaa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada kenya, waxaana la tilmaamay in sarkaal kaas oo lagu magacaabo nuur Jabriil uu xiliga uu weerarku dhacayay ka maqnaa gurigiisa.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa halkaasi ku dilay wiilkii uu dhalay sarkaalku iyagoona intaasi kadib goobta iskaga baxsaday, Ciiidamada Kenya haatan waxa la sheegay in ay wadaan baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan.

Ragii hubeysnaa weerarka ku qaaday guriga sarkaalka kenyaan ka ah, Al-shabaab ayaa inta badan weeraro labeegsada fariisimaha ciidamada kenya, iyadoona weeraro hore oo ay ka fuliyeen xuduudka kenya iyo Soomaaliya guulo ka sheegtay.

SOMALI NEWS

To Top