WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Qoorqoor iyo Xukuumadda oo ka wada hadlay Arrin muhiim ah

Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim iyo Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa kulan la qaatay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Qoorqoor.

Kulanka dhexmaray Wasiirka iyo Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xaqiijinta qoonddada haweenka 30% iyo sidii Galmudug doorashada soo socota haweenka ugu garab istaagi laheyd.

Madaxweynaha Galmudug ayaa soo dhaweeyay dadaallada ay hormuudka tahay Wasiir Xaniifa oo la doonayo in lagu adkeeyo, isla markaana lagu xaqiijinayo doorka haweenka Soomaaliyeed ku yeelanayaan doorashada loo madlan yahay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka, Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha bulshada ee gobolka Banaadir Guddoomiyaha Ururka Haweenka gobolka Jawaahir Baarqab iyo qaar ka mid ururada bulshada rayidka.

SOMALI NEWS

To Top