WARARKA SOOMAALI

DFS oo Golaha Ammaanka u sheegtay in heshiis laga gaaray Doorashada

Wasiirka Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdirisaaq Maxamed ayaa khudbad u jeediyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in heshiis laga gaaray arrimaha la isku hayay ee doorashada ee dhaceysa.

Wasiirka ayaa sheegay in mabda ahaan ay dhinacyada ku heshiiyeen saddexda qodob ee uu muranka ka taagnaa, iyadoo war murtiyeedka heshiiskana la soo saari doono Khamiista soo socota.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa tan iyo Sabtidii ku shirsanaa xeradii ciidanka cirka ee Afisyooni ee Muqdisho.

Heshiis ay dhinacyada gaaraan ayaa dhabaha u xaari kara in Soomaaliya ay ka dhacdo doorasho lagu kalsoon yahay, kadib markii uu muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo dhammaaday 8-dii February.

Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedya ayaa la filayaa in maalinta berri oo khamiis ah lasoo xiro, isla markaana laga soo saaro War-murtiyeed ay ku heshiiyeen Madaxda.

SOMALI NEWS

To Top