WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Dowladda oo shaacisay xiliga lasoo xirayo Shirka Doorashada

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee arrimaha Doorashooyinka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa galay maalintiisi afraad, waxaana laga gaaray natiijo wanaagsan, iyadoo lagu wado in shirka la soo xiro maalinta Khamiista ah ee soo aadan.

Af-hayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macallimuu, oo warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyey shirka wadatashiga Qaran ee Arrimaha Doorashooyinka oo galay maalintii afraad.

Waxaa uu sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ay muujiyeen biseyl sida ay u doonayaan in heshiis laga gaaro arrimaha doorashooyinka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top