WARARKA SOOMAALI

Wararkii u dambeeyay Diyaaradii lacagta faraha badan u siday Imaaraadka oo la fasaxay.

Warar goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in diyaaradii lacagta faraha badan u siday ee u socotay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho la fasaxay, iyadoo ay dejisay shixnad lacageed oo ay siday.

Diyaaradda siday shixnada lacageed ayaa waxaa la socday Ciidamo Imaaraadka Carabta ka tirsan oo gaarayay illaa 30 askari, waxaa wararka qaar sheegayaan in lacagta ay siday ay gaareysay illaa 13 milyan oo dollar.

Wararka ayaa sheegaya in Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda ay soo farageliyeen muran ka dhashay in la baaro shixnada, iyadoo diblomaasiyiinta Imaaraadka Carabta ka socotay ee lacagta ku sugayay garoonka ay ku doodeen inay leeyihiin xasaanad diblomaasiyad.

Ilo ku dhow dhow garoonka lacagta laga gelbiyay garoonka, isla markaana gawaari fara badan oo kuwa aan xabadaha karin lagu qaaday, waxaana wararku sheegayaan in loo qaaday xarunta Nabadsugida, si loogu baaro, iyadoo lagu wado in lagu wareejiyo Safaaradda Imaaraadka Carabta.

Lacagta ay siday diyaaraddan ayaa qeyb ka mid ah ay ku socotaa Puntland, gaar ahaan magaalada Garowe, waxaa loogu tala galay Ciidamada ay tababareen Imaaraadka Carabta ee ah ciidamada badda Puntland ee loo yaqaano PMBF.

Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan lacagtan oo laga war hayay inay ka soo dageyso garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Isha JW

SOMALI NEWS

To Top