WARARKA SOOMAALI

Lacagtii Imaaraadka oo Dawladdu la wareegtay laguna xareeyey bangiga dhexe.

Wararkii ugu dambeeyay ee lacag maanta ay keentay diyaarad gaar ah magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in lacagtaa oo cadadkeeda ay warar kala duwan ka soo baxayaan la geeyay Bangiga Dhexe ee Soomaliya.
Lacagtan oo cadadkeeda lagu sheegay inay u dhexeysa sagaal illaa iyo 13 malyan oo dollar ayaa la sheegay in ay ciidamada nabadsugida ka soo qaadeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayna ku xareeyeen Bangiga dhexe ee Soomaaliya.

Ammaanka Bangiga Dhexe ayaa aad loo adkeeyay caawa iyadoo la xirey wadooyinka u dhow dhow Bangiga.

Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada keenista lacagtan ayaa ka dambeysay warqad ruqsad ah oo ka soo baxday ciidamada Soomaaliya maadaama lacagta ay tahay mid loogu talogalay ciidamo ku sugan magaalada Muqdisho iyo magaalooyin ku yaal dowlad goboleedka Puntland.

Lacagtan ayaa la sheegay inay tahay mid loogu talogalay mushaar iyo saad inay ka dhigtaan ciidamo ay tababartay dowlada Imaaraadka Carabta. Gelinkii dambe ee maanta ayaa waxaa soo baxayay warar kala duwan oo ku saabsan halka lacagta ay ku socoto.

Hase ahaatee illaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ay dowladda Federalka ka soo saartay lacagtan maanta laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Diblumaasiyiinta Imaaraadka Carabta ayaa sheegay inay u haystaan xasaanad in la baari karin boorsooyinkooda balse wadahadal kadib ayay oggolaadeen in lacagta lagu xareeyo Bangiga dhex ee Soomaaliya. Lacagtan ayaa u muuqata mid lagu doonayey in lagu khal khal geliyo siyaasada iyo xaladaha awelba murugsanaa ee Soomaaliya.

Diyaaradii keentay lacagta oomarkii hore loo diiday inay ka duusho garoonka Aadan Cadde ayaa maqribnimadii loo oggolaaday inay u duusho wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta.

 

SOMALI NEWS

To Top