WARARKA SOOMAALI

War-murtiyeed xasaasi ah oo laga soo saaray Shirkii Guddiga Farsamada

Waxaa xalay Magaalada Baydhabo lagu soo gaba-gabeeyay Shir laba maalin uga socday Guddiga Farsamada ee ka socday dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, iyadoo shirkaas War-murtiyeed laga soo saaray.

Shirka Guddiga oo ka kooban 14-xubnood ayaa waxaa looga hadlayay inta uu socday qodobadii la isku mari waayay ee shirkii dhawaan Madaxda ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee natiijo la’aanta kusoo dhammaaday.

War-murtiyeedka kasoo baxay Shirka Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in heshiis looga gaaray Illaa Shan qodob oo kala ahaa Arrinta Guddiga doorashada ee lagu muransanaa, Arrinta Somaliland iyo Xaalada Gobolka Gedo, inkastoo aanay faah faahin qaabka xalka uga gaareen, iyagoo ku gaabsaday inay Madaxda la wadaageen.

Guddiga ayaa Madaxda dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ugu baaqay inay shir isugu yimaadaan 18-ka bishaan Febraayo oo ku beegsan maalinta Khamiista, balse ma aysan shaacin goobta lagu shiri doono.

Ugu dambeyn Guddiga Farsamada ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Beesha Caalamka oo la socotay Shirkii Guddiga ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

SOMALI NEWS

To Top