WARARKA SOOMAALI

Madaxweyne Farmaajo oo War kasoo saaray geerida Sheekh Nuur Baaruud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee muddo xileedkiisa dhammaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha oo tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Sheekh Nuur Baaruud ayaa tilmaamay doorka wanaagsan ee uu marxuumku ka qaatay arrimaha dacwada Islaamka, barbaarinta iyo baraarujinta shacabka Soomaaliyeed.

 “Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyigelinta shacabka Soomaaliyeed.”

Farmaajo ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu kabaxay.

Sheekh Nuur Baaruud ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka Martiini ee Magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay inuu haleelay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo Soomaaliya kusoo laba kacleeyay, isagoo xalay u geeriyooday.

SOMALI NEWS

To Top