WARARKA SOOMAALI

Dowladda Soomaaliya oo amar cusub kusoo rogtay shaqaalaheeda

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hakisay isku imaatinka shaqaalaha dowladda iyo xaadiritankooda Xarumaha, sababo la xiriira cudurka halista ah Coronavirus oo mar labaad kusoo laba kacleeyay gudaha dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Wasiirka shaqada iyo arrimaha Bulshada XFS ee xilka sii-haya Duraan Axmed Faarax ayaa waxaa dhammaan shaqaaladaha dowladda lagu wargeliyay inay yareeyaan isku imaatinka, ayna ku shaqeeyaan guryahooda, iyagoo adeegsanaya qadka Internet-ka.

Sidoo kale Shaqaalaha dowladda ayaa waxaa la faray inay ka fogaadan salaanta gacan qaadka, ayna xirtaan afka iyo gacmaha, si looga fogaado faafida cudurka halis ah ee COVID-19 oo soo laba kacleeyay.

Qoraalka lagu hakinayo isku imaatinka shaqaalaha dowladda iyo xaadirintooda Xarumaha ayaa waxaa la Ogeysiiyay Madaxda ugu sarreysay dowladda Federaalka oo ugu horreeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo.

SOMALI NEWS

To Top