WARARKA SOOMAALI

SAWIRRO:-Mareykanka oo xeebaha Soomaaliya ku qabtay shixnado hub

Ciiddanka Badda ee Maraykanka waxay xalay sheegeen inay Jimcihii la soo dhaafay gacanta ku dhigeen 2 Markab yaryar oo shixnado hub lagu soo raray, kuwaasi oo marayey meel ka baxsan Xeebaha Badweynta Hindiya ee Somalia.

Markabka Dagaalka Maraykanka ee  lagu magacaabo USS Winston S. Churcill ee ay ku rakiban yihiin Gantaallada la hago ee wax burburiya  (Guided-missile destroyer USS Winston S. Churchill) ayaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen labada Markab yar ee Shixnadda Hubka lagu tahriibinayey.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Taliska Guutada 5-aad ee Ciiddanka Badda Maraykanka  ee fadhigooda dhexe yahay dalka Baxrayn ma aysan caddaynin halka laga soo diray Hubkaasi iyo goobta ay ku wajahnaayeen.

Labada Markab yaryar ee la qabtay waxaa laga dhex helay Kumanaan Qoryaha Kalashnikov ee AK 47, Qoryaha Boobayaasha Fudud, Qoryaha culus ee Shiishka leh, Gantaalada Garabka laga gano ee RPG ama 7 iyo hubka ay ku hawl-galaan Ciiddanka Lugta (Crew-served weapons operated by infantry).

Muuqaal kooban oo Video ah oo ay Ciiddanka Badda Maraykanka sii daayeen waxaa ka muuqday Ciiddanka oo baaritaano ku hayo mid ka mid ah Doonyaha Dhaqanka ee inta badan ka shaqeeya Biyaha Gacanka Bershiya ee u dhow xeebta dalka Iran.

Si kastaba ha ahaatee, Badmaaxiintii la socotay Maraakiibta la qabtay waxaa la sheegay in la sii daayey, inkastoo aan la shaacinin dalalka ay ka soo jeedeen iyo halka ay u sii shiraacdeen.

SOMALI NEWS

To Top