WARARKA SOOMAALI

Rag dhibaato ku haayay shacabka Degmo ka tirsan G/Banaadir oo la qabtay

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka ee Booliska ayaa xalay howlgalo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolkaan Banaadir, iyagoona kusoo qabtay dad u badan dhalinyaro dhowr ah.

Ciidamada Booliska ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay xaafaddo ku yaalla Wadajir ah oo dhalinyaro ay isku isticmaalan moondooriyaha xashiishka, sidoo kalena qabtay rag burcad ah oo dhac ka geysan jiray degmadaas.

Guddoomiyaha Maamulka degmada Wadajir Bashiir Maxamed Cali oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedka howlgalkii xalay uu ahaa mid lagu xaqiijinayay amniga degmadaas, laguna qabtay dad doonayay inay dhibaato u geystaan shacabka.

Shacabka degmadiisa ayuu Guddoomiye Bashiir Cali ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga, si looga hortego falalka amni darro ah oo ay ugu horreeyo dhaca dadka loo geysto, ayna soo sheegaan meelaha ay ku sugan yihiin burcada hubeysan.

Dhinaca kale Taliyaha Saldhiga Booliska Wadajir Saciid Cali Maxamuud ayaa sheegay in howlgalka inta uu socday lagu qabtay 6 burcad ah oo dhac u geysan jiray dadka xiliyada habeenkii ah oo tooreyo dadka wax uga qaadan jiray.

Ugu dambeyn Taliye Saciid Cali ayaa tilmaamay in ragga lasoo qabtay sharciga la horgeyn doono, isla markaana laba kamid ah burcada la geeyay Maxkamadda Ciidamada, wuxuuna Carabka ku dhuftay in howlgalka uu sii socon doono.

SOMALI NEWS

To Top