WARARKA SOOMAALI

War Deg deg ah: Madaxweyne Trump oo ku dhawaaqay in talaabo Military laga qaadayo xukuumada Assad ee Syria.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo ka hadlayey diyaarada Air force one ayaa sheegay in waxii ka Syria ay Dhacay uu ahaa fal cadownimo ah, oo bahalnimo ah, kana baxsan aadananimo kuna qotonta naxariis darro cidhib siibid bulsheed ah, ka dib markii rayid Caruur u badan lagu xasuuqay Gaaska Kimikamada ah ee Daacuunka loo yaqaano, wuxuuna sheegay inaan indhaha laga qarsan doonin” Weli Assad ayaa jooga, wuxuuna wadaa qorshayaal kale”” Ma ahayn inay dhacdo waxii dhacay”, wax ayaa dhici doono wax mardhaw”. Ayuu yidhi madaxweyne Donald Trump.

Durbaba wuxuu u yeedhay Waaxaha difaaca, Maaliyada, Arimaha debeda iyo taliyayaasha dhanka amaanka iyo Istartijiyadda kuwaasoo ku qulqulaya goobta lagu nasto ee Mar-a-Lago, waxaana hada gaadhay hallkaas Xoghayaha Difaaca James Mattis ,Arimaha debeda Rex Tillerson, Ganacsiga  Wilbur Ross iyo Xogayaha dhaqalaha  Steve Mnuchin. Inkastoo madaxweyne Trump uusan afka ku dhufan in Assad meesha laga saarayo, hadana xoghaya arimaha debeda Rex Tillerson ayaa sheegay goor gaaban oo khamiistii ah in Maraykanku horkici doono dedaalo caalami ah oo meesha looga bixinayo Assad iyo xukunkiisa dhiig saydhista ku dhisan. Sidoo kale madaxda maamulka Trump waxay ka gaabsadeen goorta iyo faah-faahinta qaabka uu noqon doono weerarku. Waxana laga yabaa inuu muddo qaato.

Waxaa laga tashaday talaabada ugu haboon ee lagu curyaami karo awooda ASSAD ee hubka wax gumaada, waxana laga yaabaa in la qaato tallo soojeedin uu horey u soo bandhigay Turkeygu taasoo ah in gebi ahaanba la burburiyo awooda cirka ee xukuumada Bashar Al Assad, taasoo ah tan uu Assad ku bartilmaameedsado shacabka. Todobaadkan ayaa weerar ka dhacay deegaan u dhaw Idlib ay diyaaro sida Kimiko la dhaceen dhaceen ayadoo boqol qof ku dhinteen.

Dunida ayaa si weyn uga cadhootay xasuuqaas ka dib sawiro muujinayey caruur yar yar oo afka ka xunbeenaya iyo dad neeftu hayso oo biyo lagu Rusheenayo.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top