WARARKA SOOMAALI

DAAWO-WAR DEG DEG- Maraykanka oo weeraray Suuriya iyo 60 Gantaal oo lala dhacay-vidoe.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa weerar culus ku qaaday saldhigayada cirka ee xukuumada Bashar AL ASSAD ee adeegsatay sunda daran. Madaxweynaha ayaa sheegay in asagoo ka jawaabaya sunta dadka lagu laayeey, caruurta quruxda badan iyo xasuuqa haweenka ay ka jawaabeen taas.

HALKAN KA DAAWO…..

WUxuu sheegay inuu amray in lala dhaco gantaalada cul culus ee loo yaqaano Tomahawnk kuwaasoo laga soo gamayey Badda, wuxuuna sidoo kale sheegay in habdhaqanka Assad la isku dayey in la bedelo balse uu iska diidey wanaaga. Wuxuu ku baaqay in dunidu ay tahay inay is garab taagto dalkiisa, si loo badbaadiyo shacabka Syria.

Wuxuu sheegay in arintani ku tahay mid danta qaranka Maraykanku ku Jirto wuxuu ugu baaqay dunida ilbaxday inay ku biiraan dalkiisa, wuxuu sidoo kale ku baaqay in la taageero cadaalada. Goor horana Madaxweynaha Turkey ayaa taageeray hadalkii hore ee Trump. WUxuuna sheegay Mr Erdogan in dalkiisu dinar la yahay taageero dhinac walba-leh si meesha looga saaro keligii taloue Assad.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top