WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda IGAD oo gaaray Magaalada Kismaayo, lana kulmay Madaxweyne…

Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland  ayaa Maanta waxaa gaaray wafdi ka socda Urur Goboleedka IGAD, iyadoo halkaas siweyn loogu soo dhaweeyay.

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay weheliyaan Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa maanta Magalada Kismaayo kulan kula qaatay wafdiga ka socday IGAD.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen mashruuc sedex geesood ah oo ku saabsan maareynta dhulka islamarkaana laga fulin doono Dowlad Goboleedka Jubbaland, Ismaamulka Mandheera iyo Dowlad deegaanka Soomaalida.

Madaxweyne kuxigeenka koowaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa wafdiga uga mahad celiyay wadashaqyenta ay la leeyihiin Maamulka Jubbaland iyo mashaarcda ay ka fulinayaan degaannada Maamulkaas.

SOMALI NEWS

To Top