WARARKA SOOMAALI

Jubbaland oo taageertay Go’aankii uu qaatay Ra’iisul Wasaare Rooble

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray xaaladaha is diidan dalka, gaar ahaan arrinta sida weyn loo hadal hayo ee xilka qaadistii lagu sameeyay Taliyihii Hay’adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka Qaran Fahad Yaasiin.

War-saxaafadeed kasoo baxay maamulka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Maamulku uu ku qanacsan yahay tallaabooyinka uu qaaday RW Rooble.

Sidoo kale maamulka Jubbaland ayaa taageeray hannaanka uu Ra’isul Wasaare Rooble u wajahay kiiska Ikraan Tahlil.

“Jubaland waxay ku qanacsan tahay tallaabooyinka uu qaadey Ra’iisul Wasaaruhu ee kaga jawaabay codsiyadii isdaba jooga ahaa ee ka imanayay qoyska, qaraabada iyo shacab weynaha Soomaaliyeed ee lagu dalbanayey sidii ay cadaalad ku heli lahayed sarkaalad ikraan Tahliil” ayaa lagu yiri Warsaxaafeedka.

Waaxana Jubbaland ay cambaaraysay tallaabada uu ku kacay Madaxweyne Farmaajo ee ah in uu amray Fahad Yaasiin uu sii wato shaqadiisa,taasi oo si cad kaga hor timid Go’aankii RW Rooble.

SOMALI NEWS

To Top